Warar dheeerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamoka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab
Waxaana dagaalkaan la sheegay in uu ka dhacay deegaano hoosyimaada magaalada baladweyne ee xarunta gobolka
Dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan alshabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamo ka tirsan dowladda iyo ciidamo ethoobiyaan ah ay k8un lahaayeen deegaan hoosyimada madaalada baladweyne
Wararka aan helayno ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac
Dadka deegaanka ayaa waxaay sheegeen in ay maqlayeen jug culus iyo daryanka rasaasta ay isweeydaarsanayeen ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab balse aysan si dhabah u xaqiijin Karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaani
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore guulo uga sheegatay dagaal ciidanka dowladda iyo kuwa amisom ay kula galeen deegaano ka tirsan gobolka hiiraan
Waxaana sidookale xusid mudan in magaalada baladweyne ay kusuganyihiin ciidamo macawisleey ah kuwaasi oo iyaguna dagaal kula jira al-shabaab
Sidookale saraakiisha ciidanka dowladda ayaa waxa ay iyaguna horay guulo uga sheegteen howlgalo iyo dagaalo ay la galeen al-shabaab
Dagaaladaasi oo ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda in ay guulo ku gaareen iyagoo kaa shanaya ciidanka amisom
Wali majirto cidka hadashay dagaalkalasheegay in uu ka dhacay deegaano hoosyimada gobolka hiiraan
Kaasi oo lagu soo waramayo in qasaare kala duwan uu ka dhashay

