Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqddisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Shariif ayaa Dowladda Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay caburinta shacabka iyo Musharixiinta kadib banaanbaxii dadka lagu dhaawacay ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale Shariif ayaa sheegay in qorshihii shalay Ciidamadda lagu dul geeyay Musharixiinta uu ahaa qorshe uu soo abaabulay Madaxweyne Farmaajo.
Shariifka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Dowladd Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ay ku heshiiyeen arrimaha Doorashadda,balse dhanka Dowladda ay wado qorshe lagu burburinayo heshiisyadi la gaaray.
Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac ka qaba in la afduubto doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2021-ka,
Shalay Dowladdda Soomaaliya ayaa ciidamo badan geysay xaafaddo ay dagan yihiin Xubnaha ugu cadcad Musharixiinta Xilka Madaxweynaha.

