Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Magaaladaas.
Qaraxaan oo la sheegay in uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Garoonka C/laahi Ciise ee Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo.
Qofka is qarxiyay ayaa beegsaday saraakiil ciidan iyo ilaalada Ra’iisul Wasaaraha oo hordhac ahaa, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay sugida amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.
Sida naloo xaqiijiyay qaraxa ayaa dhacay xili uu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble u ku sugnaa Garoonka oo soo dhaweyn loogu sameeyay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay dhaawacyo ay kusoo gaareen Saraakiisha Ciidanka Qeybta 21aad ee xoogga dalka.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

