Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Dalka Jabuuti+Ujeedka Safarka

0

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa ku wajahan Dalka Jabuuti.

Farmaajo ayaa Jabuuti Kaga Qeyb galaya shir madaxeedka ururka IGAD oo looga hadlayo xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dagaal looga qabsaday xoogaga TPLF ka dib markii ay ka hor yimaadeen siyaasada dowlada Itoobiya.

Sidoo kale shirkaan ayaa looga Hadlayaa   ashtako ay dowlada Soomaaliya ka gudbisay Kenya, oo ay ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ashtakadan ay DF gudbisay maalmo ka hor inta aysan xiriirka u jarin dowlada Kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu wadoqorshe uu isugu keenayo Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo khilaafuu haatan u dhaxeeyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here