Madaxweyne Trump Oo Amray In Dhamaan Ciidamada Mareykanka laga soo saaro Somalia Ka Hor Sanadka Soo Socda

0
President Donald Trump speaks at a news conference in the James Brady Press Briefing Room at the White House, Monday, Aug. 31, 2020, in Washington. (AP Photo/Andrew Harnik)

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.
Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah ciidamadaasi Mareykanka ee jooga Soomaaliya la geyn doono waddamada deriska isla markaana ay diyaar u noqon doonaan hawlgal kastaa oo loo baahdo in laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uusan sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaaraya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxda daacish.
madaxweyne Donald Trump waxa uu amray in Soomaaliya laga soo saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya isla markaana gacanta ka siiyo ka hortagga falal amni darada .
Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta ay iyaguna billaabayaan qorshahooga ka bixitaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa durbaba sheegaya in kabixitaanka ama dhimista tirada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay noqon doonto mid halisteeda leh isla markaana xoojinayso argagiisada.
Tallaabadani ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka dhigan dib u gurasho laga guranayo siyaasaddii xoghayihii hore ee gaashaandhigga ee Mareykanka, Mark Esper, oo Trump uu shaqada ka eryay bishii la soo dhaafay, kaasi oo door bidayay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii warbaahinta Bloomberg ay daabacday warbixin ay ku sheegayso in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu ciidammada dalkiisa ka soo saaro Soomaaliya.
madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar uu ka hadlay ciidamada mareykanka bixitaankooda waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalku uu u baahanyahay taageerada milateri ee uu Mareykanku siiyo.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadashaqeyn la leeyihiin kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, Soomaaliyana ku tagay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bishii Abriil ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Donald Trump saxiixay wareegto uu ku kordhinayay xilliga ay ciidamada Mareykanka howlgallada gaarka ah u joogayaan Soomaaliya, isagoo ku daray hal sano oo kale.

Hase yeeshee, iyadoo laga yaabo in muddo kordhintaas ay ahayd tii ugu dambeysay, haddana saraakiisha difaaca ee Mareykanka waxay sheegeen howlgalka Soomaaliya uu qaadan karo sannado kale.

In ka badan saddex sano ayey koox Mareykan ah oo howlgal khaas ah loogu talagalay ku sugan yihiin Soomaaliya. Shaqada ugu badan ee ay hayaan waa inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin:
Saraakiisha milatariga ee Mareykanka ayaa abuuray ciidamada kumaandoonka soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 askari.

Waxyaabaha kale ee ay Milatariga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Faragalinta milatariga Mareykanka ee Soomaaliya hadda ku sugan ayaa soo billaabatay sanadkii 2007-kii, markaasoo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah.

Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii Janaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Luulyo, Agosto, Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar ayaa lagu sheegay in lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ay tebiyeen in sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray hawlgal uu qeyb ka ahaa oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Maamulka somaliland ayaa arintan sodhaweyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here