waxaa la filayaa in maanta oo sabti ah ay kulan xasaasi ah ay yeehsaan golaha wasiirada xukumada faderaalka somaliya iyadoo kulan la sheegay in uu shir gudoominayo raiisul wasaare maxamed xuseen rooble
dhamaan golaha wasiirada xukuumada faderaalka somaliya ayaa waxa la sheegay in la gaarsiiyay islamarkaasna loo diray fariimo kusabsan in ay kasoo qeyb galaam shirka maanta oo ah mid aan caadi aheyn.
shirka maanta ay yeelanayaan golaha wasiirada somaliya ayaa waxa la sheegay in loo balansanaa maanliti qamiista ee aan soo dhaafnay balse waa uu baaqday,waxaana la sheegay in shirku uu qabsoomayo maanta oo sabti ah.
ilaa iyo hada lama shaacin waxyaabaha looga hadlayo shirka maanta balse waxa wararku ay sheegayaan in shirka looga hadlayo xaalada cusub ee dalka kusoo kordhay arimaha doorashooyinka iyo qodobo kale
si gaar ah wararku waxa ay tilmaamayaan in shirkaan diirada lagu saarindoono arimaha kasoo cusboonaaday maamulka jubbaland ,waxaana la filayaa in warmurtiyeed laga soo saaro arinta jubbaland
maamulka jubbaland ayaa sheegay in madaxda dowladda somaliaya ay fara galin iyo kala qeybin ku heyso maamulka jubbaland islamarkaasna aysan umadax bananeyn doorashaada deegaanadooda
sidookale madaxda maamulka jubbaland ayaa aad u mahdin madmadoow soo kala dhexgalay dowladda faderaalka somaliya iyo dalka keenya

