Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen gudaha Degmada Walaweyn ee Gobolka shabellada Hoose
howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ciidanka dowladu ay ku soo qabtay Madaxii guud ee Dilalka qorsheysan ee dagaalamayaasha Al-shabaab.
ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa waxa la sheegay in ay gudaha u galeen guriga Horjogahaan la sheegay in uu ka tirsanaa al-shabaab
warka qoroaal ah oo Lagu daabacay barta interneetka ee danab ayaa waxa lagu sheegay in horjooga ay qabteen lagu Magacabo Maxamuud Maxamed Sheikh Cali.
Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalkaan laga fuliyay gudaha Degmada walaweyn ee gobolka shabellada Hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee Dilalka Qorsheysan ee Al-shabaab.
Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta Horjogahaan laga warhaaye isla markaana degmada walaweyn uu soo gaaray Habeen ka hor
ciidamada dowladda ayaa inta badan howlgalo ka sameeya deegaanada hoosyimaa gobolka shabeelaha hoose

