Dagaal Qasaaro Geystay Oo Laba Maleeshiya Beeleed Ku Dhex Maray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

0

warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed Ka bilowday deegaano ka tirsan degmada xarar dheere ee gobolka mudug.
dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu salka ku hayo muran mudooyinkii dambe soo kala dhexgalay beelo wada daga tuulada ceel-caday oo hoostimaada da degmada warshubo ee gobobolka mudug .

murankaan ayaa waxa la sheegay in uu laxariiro arimo kusaabsan dhul oo labada beelood ay isku heystaan.

wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xubno maleeshiyaad ah oo ka tirsan labada beelood uu dagaal xoogan dhexmaray islamarkaas haatan ay taagantahay cabsi laga qabo in markale uu dagaal ku dhexmaro halkaasi labada beelood .
waxaana lagu soo waramayaa in beeluhu ay wadaan hub aruusi islamarkaasna laga baqayo dagaalka beelahaan oo markale ka bilowda deegaanada hooyimaayada gobolka mudug.

dagaalkaan ayaa waxa ay dadka deegaanka ay kusoo waramayaan in uu geeystay qasaare kala duwan balse aysan si dhab ah u xaqiijin karin .

xaalada tuulada lagu dagaalamay ayaa waxa lasoo sheegayaa in ay dagantahay walow mar walba cabsi xoogan laga muujinayo dagaal kale in uu ka qarxo deegaanada iyo degmooyina hoostaga gobolka mudug .

deegaanada uu ka arimiyo maamulka galmudug mudooyinkii dambe waxa kusoo badanayay daalada laxariira isqabqabsiga beelaha.

manajirto wax xal ah oo laga soo saaray ama laga gaaray arintaasi iyadoo ay xusid mudan tahay in maamulka galmudug uu hisheesyo dhaxdhigay beelo walalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolada mudug iyo galgaduud oo uu inta badan ka taliyo maamulka galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here