Shil Diyaaradeed Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Garowe Ee Caasimada maamulka Putland

0

warar aan ka helayno deegaanada maamulka putland gaar ahaana gobolka nugaal ayaa waxa ay kusoo waramayaan in shil diyaaradeed uu goor dhaweyn ka dhacay  garoonka diyaarahada magalaada garoowe ee xarunta gobolka nugaal

Shirkaan diyaaradeed ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii ay diyaarada oo dageysa ay cagaha u bixi waayeen islamarkaasna cambaar sidii ay garoonka ugu wareegeeysay  qeybta dambe ee lugeheeda ay markki dambe ku  dhufsatay garoonka

diyaarada shirka gashay ayaa waxa la sheegay in ay ahayd diyaarada air djabuuti ee laga leeyahay dalka aan walalanahay ee jabuuti

diyaarada ayaa waxa la arkayay sida ay muujinayaan sawiro laga qaaday in diyaarada ay wax yeelo kasoo gaareen lugaha dambe

majirto wax qasaara nafeed ah oo laga soo wariyay shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada garowe

waxaana la sheegay in rakaabkii diyaarada saarnaa ay dageen iyaga oo nabad qaba

muddoyinkii dambe waxa dalka kusoo badanayay shilalka diyaaradeed shalay ayayna aheyd markii diyaarad ku dagi rabtay magaallaada baladweyne ay cidi ku timid

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here