DFS oo Kenya Ku Eedeysay Burburinta Qaranimadda Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa Faah-faahin rasmi ah ka bixisay Sababtii ay u jartay Xiriirkii Diblamaasiyadeed ee ka dhexeeyey Dowladda geeska africa ee Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo ay dhawaan ku joojisay Go’aan ay ku sheegtay inay ku baddaadinaysay Midnimadda iyo Madax-banaanidda Dalka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa Sharaxaad Waafi ah ka bixiyey Sabaabta Dowladda Soomaaliya ay u jartay Xiirarka Kenya,waxaana uu xusay Dowladda Soomaaliya ay udulqaadan weyday dhibaatooyinka ka dhanka Shacabka Soomaaliyeed iyo danha Guud ee qaranka.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay inay Kenya ay isku bedeshay Rajiimkii Tigreega Itoobiya ee laga adkaaday kaasi oo dhibaatadiisu ay gaartay dhamaan geeska afric waxaana intaas hadalkiisa sii raaciyey inay Dowladda Kenya wado iskuday ay Doonayso inay ku qabsato qeybo ka mid badka dhulka iyo Badda ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo ah kuwa lama taabtaan ah isda ku cad dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladda Kenya burburisay darisnimadii ixtiraamkii walaalnimo ee ka dhexeeyey labadda Dowladdood oo taas bedelkeeda ku Xadgudubtay Jirtaanka Soomaaliya,waxaan uusi gaar ah u tilmaamay inay Kenya bartilmaameed,dhamaan tiirarka aas-aaska u ah Noolosha Bulashada Soomaaliyeed sida in Kenya burburisay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here