Musharaxiinta Mucaaradka Oo Markale Shir Uga Furmay Muqdisho

0

Musharaxiinta utaagan qabashaxilka madaxweyanaha somaliya ayaa waxa wajigii labaad shirka musharaxiinta uu uga furmay magaalada muqdisho

waxaana la sheegay in looga hadlayay marxalada kala guur ka ah ee uu dalku ku jiro iyo waxkasoo qaadka qodobadii iyo war murtiyeedkii ay horay usoosaareen musharaxiintu

shirkaan jigiisa labaad waxa shir gudoomiyanayay gudoomiyaha midowga musharaxiinta sheikh shariif sh. Axmed
waxaana shirka lagu soodhaweeyay madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaari qoor qoor kaasii oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay shirka

afhayeenka midowga musharaxiiinta ayaa waxa uu sheegay in shirku uu uqabsoomay siidii loogu tala galay islamarkaasna looga hadlayay arma dhowr ah oo kusabsan doorashooyinka dalka

waxa uu sheegay in shirka inta uu socday mamulka galmudug ay ka wada hadaleen siidii doorasho wada ogol ah ay dalka uga dhici laheyd islamarkaasna galmudug ay sheegtay in ay diyaar utahay ka shaqeynta in doorasho xor iyo xallal ah in dalka ay ka dhacdo

sikastaba wajiga labaad ee shirka mushraxiinta mucaaradka ayaa waxa uu imaanaya xilli wali dowladdu aysan dhag jalaq usiin baaqyada iyo walaaca kasoo yeerya musharaxiinta ee ay ka qabaan gudiga doorashooyinka

waxaana dowladdu ay ku adkeysanaysa go,aankiida ku aandan in aan wax kabadal lagu sameeyn doonin gudig doorashooyinka ee ay dowladdu maga cowday

iyadoo ay xusid mudan tahay in hadaloxanaf leh iyo han jabaad ay hawada isku marsiinayaan musharaxiinta xil doonka ah iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda ee haatan talada dalka haya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here