Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dil iyo Afduub Ka Geeystay Magaalada Kismayo

0

wararka aan ka helayo gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaa in dableey hubeysan ay xalay dileen hal  islamarkaasna ay  afduub hal ruux ookale

dableey hubeysan ayaa waxa la sheegay in goobtiisa ganacsi xalay ay ku dileen Dr yuusuf Axmed Yuusuf yare oo dhaqtar caan ka ahaa magaalada kismayo ee gobolka jubbada hoose

waxaana la sheegay in dilka dhaqtarka uu ka dhacay meel u dhaw fiyo afmadow oo ka tirsan  magaalada kismayo

mid ka mid ah ehelada marxuunka oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in alaha unaxariisteen gacan ka xaqdarani xalay ay dishay Dr yuusuf yare islamarkasna maanta ay aasayaan

waxaana uu sheegay in aysan jirin cid uu wax u geeystay dhaqtar yuusuf isagoo farmashiyiisa ku jira xalay ay rag bastoolada ku hubeysan ay dileen islamarkaasna ay gooobta iskaga baxsadeen

 

Dhankale waxa uu sheegay in dilkaasi kaliya uusan dhicine ruux kalana la afduubtay ilaa iyo hadana aysan garanayn nolool iyo geeri waxa uu ku suganyahay iyo halka la geeyay

ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka jubbaland ayaa waxa lasoo sheegayaa in ay howlgalo saakay wadadaan xaafadaha maagaalada kismayo ee gobolka jubbada hoose kaasi oo la sheegay in ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dilka iyo afduubka  ka dhacay kismayo

la ma ga sababta rasmiga ah ee loo dilay dhaqtarka balse waxa muddooyinkii dambe ayaa dilal qorsheysan oo cida geeysatay aan laga ranayn ayaa ka dhacayay magaalada kismaayo

dialal kaasi oo qaar kood la sheeegay in ay la xariiraan aan nooyin qabiil

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here