Dib Udhac Ku Yimid Waqtiga Ay Bilaabanayso Doorashada Xilidhibaanada Aqalka Sare

0

waxaa maanta oo ah kowda bisha 12/2020 lagu waday in ay bilaabato doorashada xildhibaanada aqalk sare ee barlamaanka faderaalka somaliya balse aysan dhicin aysana muuqan wax doorasho ah oo dalka hada ka socota gaar ahaana mida xildhibaanada

dowladda faderaalka somaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa ku heshiiyay jadwal doorasho dadban ah
waxaana jadwalka sida ku cad maanta ay ku beegan tahay markii loo asteeyay soo doorashada xildhbananada aqalka sare balse ma muuqato wax saan saan ah oo ku aadan doorashada xildhibaanada

inkastoo sagaal bari ay doorashada aqalka sare maanta marka laga reebo ka hareyso hadana majiraan wax muujinaya in xildhibaanada losoo dooranayo maadaama maamul goboleedyada dalka aysan soo magacaabin hubnaha aqalka sare ku matalaya dowladda faderaalka islamarkaasna dowladda kuwii ay soo magacaabilaheyn ay dood adagi ka taagantahay

waxana la qiyaasayaa in gabi aanba xildhibaanada aqalka sare soo doorashadood waqtiga loo asteeyay asan ku dhickarin islamarkaasna ay fashilantahay

musharaxiinta mucaaradka ee doonaya xilka mdaxweynaha ayaa iyagu sheegay in walaac xoogan ay ka qabaan doorashada dalka ka dhacaysa

waxaana ay sheegeen in loobaahan yahay in dowladdu ay wada hadal iyo turxaabixinka ka sameeyso doorashada guddiga fartu ku godantahayna ay kala diraan
dalabkaas ka yimid mushaaxiinta waxa moodaa in dowladdu ay gaashaanka u daruurayso oo aysan aqbali doonin arinkaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here