Ciidanka amniga ee ka howl gala degmada warta Nabadda gaar ahaan waaxda horseed laanteeda Nationka ayaa xalay abaare 1:15am ku guuleyste in ay ka hortagaan ruux la sheegay in uu ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab oo doonaayey in uu miino ku aaso halkaasi si uu waxyeeleeyo u gaarsiiyo shacabka ayaa lagu yiri warkasoo baxay warbaahinta dowladda
Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in ciidanka ka war heleen shirqoolka dhagar qabaha ayna guteen waajibkooda qaran
wax faahfaahin intaasi dheer dowladdu ka ma aysan bixin mana aysan soo bandhigin ruuxa ay sheegeen in lagu soo qabtay isaga oo miina aasaya
maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalada caasimada ah ee muqdisho kusoo badanayay qaraxyada iyadoo sabti qarax xoogan oo muqdisho ka dhacay ay ku dhinteen dad u badnaa dhalinyaro

