Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Oo Sheegay In Ay La Fadhiisanayaan Cidkasta Oo Cabasha Qabta

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahanyahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool.

“Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah dagaalamyaasha Al-Shabaab iyo  sidii looga saari lahaa deegaanada maamulka  Hirshabeelle

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here