Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka la galiyo ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaar ahaan kuwa Haramcad kuwaas oo ilaaliya shaqaalaha iyo ingineerada shirkadda dhisaysa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay saddex askari sida ay sheegeen Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya.
Shaqaalaha iyo Ingineerada shaqada ka haya wadadaas ayaa dhowr jeer la qaraxiyay iyadoo wadadaas dhisamaheedu ay qaadatay muddo sanad ka badan.
Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda qaraxyadda ka dhaca Wadadaas.

