Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaamunaasabad isugu jirtay Casha-sharaf iyo Sogootin Usameyey Wafdigii uu Hogaaminayey Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble oo Maalmaha Boogasho ku jooga Magaalada Baydhabo.
Madaxwenaha maamulka koonfur galbeed oo hadalo kooban ka jeedinayay munaasabad ayaa waxa uu weearrar afka ah ku aaqay xubnaha musharaxiinta mucaaradka oo ku shiraya magaalada caasimada ah ee muqdisho
Madaxweyne lafta gareen ayaa waxa sheegay in loonhanyahay in mushraxiintu ay dib umilicsdaan wixii ay horay usoo sameeyeen oo uu sheegay in wax kadran aysan jirin
Musharaxiinta mucaaradka ayuuna ugu baaqay in aysan kashaqeyn siidii uu dalku dib ugu laaban lahaa marxaladihii adkaa ee lasoo maray ayna fiiriyaan halka dalkaan laga keenay
Hadalka madaxweyanaha maamulka koonfur galbeedayaa waxa uu kusoo aadaya xilii musharaxiinta doonaya xilkamadaxweynaha jamhuuriayada ay shirar isdaba joog ah ka wada magaalada mudisho islamarkaasnma ay qayladhaaan xoogan ka muujinayaan guddiga doorashhoyinka ee ay dowladdu magacowday
Waxaana jirtay in ay soo jeediyeen in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay badlaan xubnaha gudiyada ay soo magacaabeen
iyadoo ay xusid mudantahay in shirka waqtiigiisa uu sii kordhayo maalinba maalinta kadanbeysa taasi oo ay sabab u tahay masuuliyiin dhowr ah oo horleh ay ku biiraya shirka

