Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ku saabsan Soomaaliya ku yeelanaya Magaalada New York – kulanka xubnaha ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan – shirka ayaa dhici doona 6:00 p.m. (Xilliga Muqdisho) .
Qodobadda shirkaan loogu hadlaayaa ayaa waxaa ugu horeeya doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2021-ka dagaalka Al-shabaab.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan guulo la taaban karo ka gaarin arrimaha dagaalka Shabaab iyo heshiiska doorashooyinka.
Dalalka Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa xiliyadaan oo kale isha ku haya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya.

