Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar xoogan oo qasaare kala duwan geystay lagu qaaday saldhig ciidamada amisom ay ku lahaayeen gobolka shabeelaha hoose
Wararka qaar ayaana sheegaya in deegaanka janaale uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada amisom iyo dagaalamayaasha al-shabaab
Al- Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaan la sheegay in uu ka dhacay deegaabka janaale gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in weerar culus ay ku qaadeen fariisamo ciidamada amisom ay ku lahaayeen deegaanka janaale islamarkaasna ay qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh weerarkaasi ay ku gaarsiiyeen ciidamada amisom
Dhankale korneel cali dheere oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa uu gabi ahaaba been abuur uu ku tilmaamay in ay jiraan waxa weeraro ah oo dagaalamayaasha al-shabaab ay ku qaadeen degaanka janaale
Waxaana korneel cali oo la hadlay warqabadka idaacada simba uu xaqiijiyay in aysan jirin wax weerar ah ama iska hor imaad ah oo ka dhacay deegaanka janaale
Islamarkaasna amniga degaanka janaale uu yahay mid amni ah oo laisku laheyn karo
Hadalka saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka shabeelaha hoose ayaana waxa uu imaanayaa xili warar saacadiihii la soo dhaafay soo baxayay ay sheegayeen in deegaanka janaale uu iska hor imaad xoogan ku dhexmaray ciidamo ka tirsan amisom iyo dagaalamayaasha al-shabaab
Degaagaanada iyo degmooyinka dhaca gobolka shabeelaha hoose waxaa inta badan ka dhaco dagaalo iyo iska hor imaad ciidamada dowladda oo garabka helaya ciidamada amisom iyo dagaalamayaaasha al-shabaab oo dhinac ah
Waxaana xusid mudan in labada dhinac ay guulo ka kala sheegtaan howlgalada iyo weerarada ka dhaca deegaanavhoosyimada gobolka shabeelaha hoose

