Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qoyskiisa caawa ku laayay magaaladda muqdisho.
Falkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Cali-kamiin oo Ka tirsan Degmadda Warta-nabadda ee gobolka banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askari ayaa watay Bambadda Gacanta laga Tuuro waxayna qaraxday xili uu hoygiisa ku sugnaa.
Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay laba kamid ah qoyska askariga,wiilkiisa, waxaa sidoo kale lugyaha waxyeelo ay kasoo gaareen hooyadiisa,askarigana dhaawac ayaa soo gaaray.
Ilaa haatan lama oga qaabka ay bambadda kaga qaraxday askariga,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askariga uu cabsanaa marka ay bambadda qarxaysay.

