Ana Sayfa Wararka Faahfaahino:- Weerar Dad isku Qoys ah Lagu Laayay Oo ka Dhacay Degmada warsheekh

Faahfaahino:- Weerar Dad isku Qoys ah Lagu Laayay Oo ka Dhacay Degmada warsheekh

0
Faahfaahino:- Weerar Dad isku Qoys ah Lagu Laayay Oo ka Dhacay Degmada warsheekh

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar dableey hubeysan ay ka geeysteen qeybo ka mid ah degmada warsheekh ee gobolka shabeelaha dhexe .

dableeyda hubeeysan ayaa waxa la sheegay in ay toogasho ku dileen dad isku qoys ahaa oo ku sugnaa guri kuyaa degmada warsheekh waxaana halkaaasi ka dhashay qaasare kala duwan oo xasuuq ah.

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dableeydu ay toogasho ku dileen hooyo umul ah taasi oo heysatay canug yar oo ku dhwaad  muddo bil ah dhalanaa

waxa kaloo la sheegay in dableeydu ay dileen hooyadaan umusha ah wiil ay dhashay oo isgu sadaxsano jir ahaa iyadoona la sheegay in qasaaruhu uu intaas ka badanyahay islamarkaasna la dilay haweeney iyo wiilkeeyda oo iyagu isla guriga ku sugnaa markii uu weerarku dhacayay

wali si rasmi ah looma oga sababta ka dambeeysa weerarkaan lagu laayay dadkan isku qooyska ah balse waxa ay wararku sheegayaan in werrarkaan uu daba socdo falal la xariira aanooyin qabiil oo muddoyinkii dambe ka dhacayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe

wali wax war ah kama soo bixin maamulka hirshabeelle iyo kan degmda warsheekh oo looga hadlayo weerarkaan ka dhacay qeybo kamid ah degmada warshiikh.

mahan markii ugu horeysan oo weerar dad lagu xasuuqay uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe

waxaana mudda bilooyin ah laga jooga weerar macalimiin subcineysa lagu laayay oo ka dhacay gobolka degmo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe iyadoona inta badan la sheegay in falalka la xariira aanooyimka qabiil in ay kusoo laablaabtaan gobolkaan

mana jirto wax talaabo cad ah oo maamulka iyo dowladdu ay ka gaareen arinkaani

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here