Saacadiihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan dowlada faderaalka somaliaya ayaa waxa la sheegay in ay howlgalo qorsheeysan ay ka fuliyeen xaafadaha ay ka koobantahay degmada baardheere ee gobkolka geddo
Wararka aan ka heyno qeybo ka mid ah degmada baardheere ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada dowladda ay howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay ay ka sameeyeen degmada baardheere
Howlgaladaan laga sameeyay degmada baardheere ayaa waxa la sheegay in ay yimaadeen kadib markii xalay ay falal amnidaro ay ka dheeceen gudaha degamada baadheere
Waxaana la sheegay in kooxa hubeysan ay xalay weerar xoogan ku qaadeen hanta dhowrkii guud ee degmada baadheere islamarkaasna ay dhaaweceen
Intaasi kadib waxa la sheegay in kooxdii hubeysneydi ay goobta iskaga baxdsadeen
Ciidamada dowlada ee gobolka gedo gaar ahaana kuwa booliska degmada baardheere ayaana lsheegay in durbadiiba ay howlgalo balaaran ka bilaabeen xaafadaha degmada islamarkaasna ay sameeyeen howlago dad badan lagu soo qabtay kuwaas oo la sheegay in dadka ugu badan ee lasoo qabtay ay u badnaayeen dhalinyaro
Waxaana ay wararku intaas kudarayaan in ciidamada dowldada dadkii ay qabqabteen qaar kood ay sii daayeen kadib markii la sheegay in baaritaano aya ku sameeyeen
Halka sidookalena alsheegay in dadka qaar la sheegayay saldhigyada degmada si baaritaano dheeriya loogu sameeyo
Deegaanda iyo degmooyinka dhaca gobolka dego inta badan waxa ka dhaca falal amnidaro kuwaasi oo ay geeystaan kooxo an heybtooda la graneyn balse ciidamada iyo saraakiisha dowlada ee gobolka gedo ayaa sheegay in aysan marna aqbalidooniin in falal amnidaro laga geeysto deegaanada gobolka gedo cidi isku daydana aysan kaga haridooonin oo ay cadaalada hor keeni doonan