Waxaana ay sheegeen in howlgalo ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee danab ay ka fuliyeen gobolka jubada dhexe ay ku dileen horjoogihii al-shabaab uqaabilsanaa jabhadaha
Howlgalka ayaa ciidanka kumaandooska la sheegay in ay ka fuliyeen degaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km u jira degmada bu’aale ee gobolka jubada dhexe waxaana warka kazoo baxay dowladda lagu sheegay in ciidanka ay ka warqabeen halka uu kusuganyahay horjoogaha islamarkaasna ay dileen horjoogaha iyo 6 xubnood oo lasocday.
Horjoogaha ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay dileen ayaa waxa ay magaciisa ku sheegeen Xasan Sufiyaan Qooreey
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgkan uu udhacay sii loogu tala galay ayna kordhiyeen howlgalada islmarkaasna ay sii wadi doonan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha al shabaab
Majirto war ah oo kazoo baxay alshabaab oo ku aadan howlgalada ciidamada dowladda ay sheegeen in ay ku dileen horjooge iyo dagaalamayaal ka tirsan alshabaab
Ciidamada dowladda aya mudooyinkii dambe howlgalo qorsheeysan ka sameeyanayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan goboladda jubboyimka kuwaas oo ay sheegeen in ay kudoonayaan in ay dagaalamayaasha alshabaab ay kaga saarayaan deegaanada ay kaga suganyhiin jubooyinka.