Dib udhac ayaa waxa uu ku yimid jawalkii doorashada ee ay ku heshiiyeen dowlada faderaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah
Waxaana uu qorshuhu ahaa in sida ay tahay loo dhaqan galiyo nidaamka jawalka doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021 iyadoona hada durba uu dib u dhac ku yimid waqtiayada la qorsheeyay
10 -20 bisha octoobar ee ina dhaaftay ayaa waxa warqada lagu heshiiyay ku cadeyd in lasoo magacaabo gudigga doorashooyinka dalka balse aan ilaa iyo aan waxba lasoo magacaabin oo waqtigaasi la qorsheeyay uu ku yimid dib udhac islamarkasna aan lagu qaban shaqooyinkii loogu talagalay
Sidookale waxa uu qorshuhu yahay in kowda bisha inoo bilabatay ila iyo 10ka biska kale December lasoo doorto senetarada golaha aqalka sare islamarkaasna ay xigi doonto 10ka ilaa 27 december in losoo doorto xidhinaabada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada faderaalka Somalia
Si rasmi ah ilaa iyo hada looma oga waxa keennay dib udhac ku yimid jawalka ama nidaamanka lagu heshiiyay ee doorashooyinka dalka
Waxaana laga dhursugaya oo ishalagu heyndoona waxa xigi doona In doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ama in uu gabi ahaanba in dib udhac uu ku iyimaado
Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah siyasiyiinta dalka ay walaac xoogan ka muujiyeen dib udhac ku yimid soo magacaabiada guddiga doorashooyinka dalka iyagoona dowladda ugu baaqay in lailaaliyo jawalka lagu heshiiyay ee doorashada dalka ka dhaceysa 2020/202

