Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal qorsheysan oo ay sheegeen in ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Howlgalkaan ayaa waxa la sheegay in ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa uruka 4 aad guutada 16 aad ay ka sameeyeen deegaanka leego dhaca gobolka shabeelaha hoose islamarkaasna waxa ay sheegeen in ciidamada dowladu in xubno ka tirsan alshabaab ay gacanta ku soo dhigeen
Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in howlgaladaan ay ku burburiye Fariisimo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku lahayeen Degaano hoostaga Gobolka Shabellaha hoose
Waxaana ay wacad ku mareen in ay sii wadi doonan howlgaladda ka dhanka ka ah dagaalyahanada alshabaab.
Majirto wax war ah oo kaso baxay alshabab oo ku aadan howlgalada ciidamada dowladu ay guulaha kaga sheegteen ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka shabeelah hoose
Inta badan ciidamada dowladda ayaa howlgalo nuucani oo kale ah ka fuliyaa deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolada shabeelooyinka iyagoona sheegay in howlgaladaasi ay yihiin kuwa ay ku xaqiijinayaan amaanka gobolada shabeelooyinka.

