Ciidanka xoogga dalka Soomaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka bilaabay wadada u dhaxeeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi halkaas lagu sheegay xubno ka mid ah Alshabab oo dadka safarka ah dhib ugu geestaan.
Taliyaha qeybta 27-aad CXDS Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakil kale oo katirsan Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Khasaare xooggan gaarsiiyeen al-shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleeysanayay inta udhexeeysay magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka hiiraan.
Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad G/le Sare Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa sheegay in jab la gaarsiiyay ka dib markii laga dilay 11- ka mid Shabaab.
Degaanka ay ciidanka xoogga dalka ku dileen al-shabaab ayaa lagu magacaabaa buurweyn oo udhexeeya degmooyinka Buul-burde iyo Jalalaqsi.

