Hay´adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay qabteen maadooyin kala sameeyo waxybaha qarxa oo loo waday dhanka alshabaab
Hay,ada Nisa ayaa tilmaantay in waxyaabahan ay qabteen ay ahaayeen halis islamarkaasna ladoonayay in loogudbiyo dagaalamyaasha alshabaab kuwwasi oo ka seynaya qaraxyo gaar ahaana qaraxyada ka dhaca muqdisho
Sidookale Hay´adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeenn dadkii maadooyinkaasi qaraxaya laga sameeyo dalka soo galinayay
War Qoralka kooban ah oo lagu daabacay barta Twitterka ee Hay´adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA ayaa waxa ay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay 79,Tan oo maadada (Sulfuric Acid) ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey dagaalamyaasha Alshabaab.
Waxaana ayaa sheegtay hay’adu in dadkaasi wajihi doonaan Sharciga.
Qoraalka ayaana lagu sheegay in Baaritaanka Maadadan ay ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan waxa ay ugu yeeraan ladagaalanka Aragagixisada
Hay´adda NISA Macadeyn Halka ay ku qabteen kiimikooyinkaasi ay sheegeen in loo waday alshabaab

