Al-Shabaab Oo Weeraray Fariisimo Ciidamada Amisom Ku Lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose

0
Armed members of the militant group al-Shabab attend a rally on the outskirts of Mogadishu, Somalia Monday, Feb. 13, 2012. Thousands of Somalis gathered at a militant-organized demonstration on the outskirts of Mogadishu on Monday in support of the merger of the Somali militant group al-Shabab with al-Qaida, which was announced last week by al-Qaida leader Ayman al-Zawahri. (AP Photo)

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa amisom iyo dagaalamayaasha al shabaab ku dhexmaray duleedka degmada baraawe ee gobolka shabeelaha hoose

Dagaalkan oo la sheegay in uu geeystay qasaare kala duwan ayaa waxa uu yimid kadib markii dagalamayaal ka tirsan al-shabaab ay weeraar culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada amisom ay ku lahaayeen Duleedka degmada baraawe ee gobolka shabeellaha hoose

Qaar ka mid Dadka ku dhaqan degmada baraawe ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus iyo  rasasta ay  isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin ka qasaaraha ka dhashay dagaalka

Al-shabaab wararka ay barahooda interneetka ku daabacaan waxa ay ku sheegeen in saacadiihii lasoo dhaafay ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada amisom ay ku lahayeen gobolka shabelaha hoose gaar ahaana degmada baraawe balse  Al-shaabaab ma aysan sheegin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi

Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee amisom ayaa waxa ay wararku sheegyaan in saacadii lasoo dhafay ay howlgalo ka wadan duleedka degmada baraawe howlgaladaasi Oo la sheegay in ay ku baadigoobayaan ragii weerarka kusoo qaaday

Waxaana uu inta badan iska hor imaad xoogan uu gobolka shabeelaha hoose ku dhexmara dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamada amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here