Qaar ka mid ah Isgooysyada waaweyn ee ku yaala magaalada muqdisho ee caasimada ayaa maanta xiran iyadoona ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda lagu arkayo wadooynilka qaar ee magaalada muqdisho.
Isgoosyada maanta xiran waxa ka mid ah isgooysyada banaadir zoobe iyo taleex iyo kuwa kale oo muhiim ah
Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa dhooban wadooyinka waxaana ay udiidaya in ay isticmaalan dadka wata gaadiidka gaar ka loo leeyahay iyo kuwa dadweynahaba marka laga reebo gawaaraiada ay wataan masuuliyiinta dowladda iyo ciidamada dowladdaba,waxaana dadku ay isticmaalayaan lugtooda
ilaa iyo hada aan lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray waddoyinkaan balse
wararka qaar ayaa waxa ay sheegayan in raiisul wasaaraha cusub ee dalka maxamed xuseen rooble uu booqasho ku marayo gudaha magaalada caasiamada ah ee muqsho islamarkasna uu kormeer kutagayo xarumo wasaradeed oo ku yaala wadooyinka maanta xiran .
dowladda ayaa inta badan xirta wadooyinka muqdisho marka ay dalka imaanayaan masuuliyyin dowladeed si amaanka loo xaqiijiyo
balse shacabka muqdisho ayaa iayaguna dhibaatooyin farabadan ku qaba xirnaanshaha wadooyinka

