Warar dheerad ah ayaa kasoo baxay weerar xoogan lagu qaaday gaari bas ah oo kaasi ka baxay magaalada mandheera kuna sii socday magaalada Nairobi caasimada dalka kenya.
Wararka ayaa waxa sheegay in kooxaha hubeysan oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha ay weerar ku qaadeen gaariga bas ka ah.
Qasaara kala duwan ayaana lagu soo waramayaa in uu ka dhashay weerarkan lala begsaday gaariga baska ee ku sii jeeday magaalada Nairobi
Ilaa iyo 8 ruux oo saarnaa gaari ayaa la sheegay in ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkaan.
Maamulka magaalada man dheera ayaa iyagu sheegay in weerarkan dadka ku dhaawacmay kala bar ay ahaayeen dad shacab islamarkaasna ay hada baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dagaalaamayaasha alshabaab oo looga hadlayo weerarkan lagu qaaday gaai baska ah
Alshabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro nuucani oo kale ah waxa ay ku qaadaan gaawaariada basas ah ee u kala socdaalayaa magaaloyinka xuduudka laleh Somalia ee dhanka kenya
Waxaan dowladda kenya ay basaskaas ay usameysay gawaar iyo ciidamo sigaar ah u ilaaliya

