Xisbiga Wadajir oo ka mid ah axsaabta siyaasaded ee ka jir dalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hawlaha maamul u dhisida Hir-Shabeelle.
Xisbiga wadajir ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin laga hormariyo maamul dhisida, si siman beelaha iyo saamilayda siyaasadeed uga qaybgalaan dhismaha maamulka, lagana fogaado in dano doorasho loo adeegsado hawlaha maamul samaynta.
Maamulka hirshabeele ayaa lagu sugayaan in ay qabtaan doorasho iyadoona uu khilaaf xoogan ka dhextaagamyahay madaxda maamulka kuwaas oo la sheego in laba dhinac ay kula jaban yihiin
Waxaana isoo taraya baaqada loo jeedinayo maamulka hirshabeele oo ku aadan in xal ay ka gaaraan khilaafka jira


