Wararka ka imanaya deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax xoogan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada lagu la eegtay gobolka shabeelaha hoose
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac wallow aan sib ah loo xaqiijin ka qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani
Waxaana wararku ayaa sheegayaan in kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda qaraxaan lala eegtay xili ay marayeen duleedka degmada awdhiigle ee gobolka shabeelaha hoose
Warark qaar ayaa sheegaya in qarax ka dib uu dagaal toos oo kooban uu ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha alshabaab uu halkasi ku dhexmaray
Alshabaab wararka ay barahooda internetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen masuuliyada qaraaxan waxaana ay sheegeen in ay ku dileen qaraxaasi ilaa iyo sagaal askri oo ka tirsan ciiamada dowladda
Intabadan deegaanada badan oo hoosyimada gobolka shabeelaha hoose waxaa ka dhaca qaraxyo lala eegto ciidamada dowladda xiliyada ay ku safrayaan waddoyika qaar ee gobolka iyo sidookale dagaal toos ah oo dhexmara ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha alshabaab.

