Wararkii ugu dambeyay oo an ka hlayno magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay weerar xoogan lagu qaaday maqaaxii kutaala xaafada farjo janno magaalada kismayo
waxaana la sheegay in weerarkan uu ka dhashay qaasre isku jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo soo kala gaaray dadkii shacab ka ahaaa ee ku sugnaa maqaaxida iyo ciidamo ka tirsan dowladda
kooxo hubeysan ayaa waxa la sheegay in bambooyin ay ku weerareen maqaayada oo ay kusugnayeen ciidamada dowlada intaasi kadib waxa lasheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay goobta iskaga baxsadeen
qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay ka war heleen jug iyo rasas xili ay ku caweynayeen maqaaxiki ku taalada xaafad ka tirsan magaalada kismaayo iyagoona sheegay in ciidamada weerarka kadib ay rasaas ooda ka rogeen
ciidmadamo farabadan oo ka tirsan kuwa maamulka jubbaland ayaa waxa la sheegay in ay gaareen maqaayada uu ka dhacay weerarku
wararka ayana intasi kudaraya in ciidamada jubbaland ay sakay ilaa xalay howlgalo balaaran ay kawadan xaafadaha magaalada kismayo gaar ahaana halka uu ka dhacay weerarka bambooyinka ah.
Sidookale kala wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halka la weeraray ay fariisimo kulahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda

