Mudanayaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee doorashada, 252 Xildhibaan ayaa ogolaatay, 2 ayaa diiday 1 Xildhibaan waa ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in aan heshiiskan siyaasadeed waxba laga bedeleyn oo sidiisa loo dhaqan gelinayo,wuxuuna ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu caddeeyay in heshiiska siyaasadeed uu ansax yahay.

