Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab kasoo Furtay Caruur ay u tababarayeen Qaraxyada.

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay Tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga ayaa howlgal sigaar ah uga sameeyay  Tuulada Nuunaay oo hoostaga deegaanka Bariire.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 143 Aad ee Guutada 14 October Dhamme Axmed Xasan Siyaad , waxaana uu sheegay in inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgal Ciidamada ay kusoo bad baadiyeen Caruur ay Al-shabaab u tababarayeen Qaraxyada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here