Madaxweynaaha dalka Belarus ayaa loo dhaariyay muddo xileedkiisa 6-aad inta lagu jiray manaasabadiisa caleemasaarka taas oo aan horay loo shaacin ka dib todabaadyo oo ay socdeen dibad baxyo looga soo horjeeday in Belarus uu marka kale hugaamiyo madaxweyne Alexandera Lukashenko oo ku guulaystay doorashadii dalkaasika dhacday 9-kii bisha August, taas oo qolyaha mucaaradka u ol-oleeya ay sheegeen in lagu shubtay.
Wakaalada wararka Belta ee dalka Belarus ayaa warisay in munaasabada caleema saarka ay ka dhacday madaxtooyada Belarus ee Minsk taas oo ay ka soo qayb galeen masuliyiinta ugu sareeysa dowlada, siyaasiyiin, warbaahinta dalkaas iyo waliba dadweyne kale.
Lukashenko, oo ah 66 jir oo lagu dhaariyay dastuurka dalkaasi, isagoona saaray gacantiisa midig dastuurka dalkaas, ka dibna madaxa guddiga dhexe ee doorashooyinka dalkaas uu madaxweynaha ku wareejiyay kaarkiisa aqoonsiga madaxweynenimo.
Lukashenko ayaa waxa uu dalkaas Belarus xukumayay tan iyo xiligii uu dalka Belarus ka tirsanaa Ururkii la oran jiray Soviet Union oo dadkiisa lagu qiyaaso in ay gaarayaan 9.5 malyan oo qof, kaas oo muddo 26 sanoah gacan bir ah ku maamulayay dalkaas. natiijooyinkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay doorashada madaxtinimo ee ka dhacday dalka Belarus bishii August ayuu ku guuleystay boqolkiiba 80% codadka doorasha. Halka mucaaradkiisa uu helay codadka doorashadaasi boqolkiiba 10 %.

