Al-Shabaab Oo Fagaare Ku Toogtay Nin Ku Eedaysnaa In Uu Yahay Sixiroole

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada  dhexe ayaa waxa ay  kusoo waramayaan in Al-shabaab ay goob fagaaro ah ku toogteen nin la sheegay in uu  ku  eedeysnaa in uu yahay sixiroole islamarkaansa si lada la sheegay sixirka  ku kala  geyn jiray lamaanaha is qaba.

Al shabaab ayaana la sheegay in ninkaan ay kasoo qabteen tuulo ku taala gobolka jubbada dhexe iyagoona maanta goob barxad ah oo ku taala degmada jilib islamarkaasna  ay ku sugnaayeen boqolaal qof ku toogtay ninkaani la sheegay in uu ahaa sixiroolaha.

Ninkaan maanta Al shabaab ay toogteen ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Axmed kuusane xasan waxaana la sheegay in aha mid sixirkiisa u adeegsada kala geynta lamaanaha is qaba

Maxkamada al shabaab ee ninkaan xukuntay ayaa sheegtay in ninkaa sixirkiisii ugu dambeyay uu ku kala geeyay lamaane galay aroos cusub.

Waxaana ay maxkamadu ay in taasi ku dartay in ninkaan uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay oo ahaa in uu lamanaha is qaba uu ku kala geyn jiray sixirka.

Sidookale wararku waxa ay sheegayaan in goobta laga fuliyay toogashada ninka ku eedeysnaa sixiroolaha  ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan al shabaab iyo dad shacab ah oo usoo dawashatagay .

Al shabaab ayaa Dhowr jeer oo goob fagaaro ah ku toogtay dad ay xukuno kala duwan ku riday maxkamadaha Al-shabaab ee deegaanada iyo degmoka ay maamulaan alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here