Madaxda Dowladda iyo Kuwa Maamul Goboleedyadda oo Muqdisho Ku Shiraya

0

Magaaladda Muqdisho waxaa saakay ka furmaya Shir u dhaxeeya Dowladda Dhexe, Maamul goboleedyadda dalka ka jira iyo Gobolka Banaadir.

Magaaladda waxaa shalay soo gaaray Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Maxamed Cabdi Waare,waxaana horey magaaladda ugu sugnaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Shirkaan ayaa ka dhacaya Xarunta madaxtooyadda Soomaaliya,waxaana loogu hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka, si heshiis wadar ogol ah looga gaaro.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here