Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaalyliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Bar Koontarool oo laga illaaliyo Villa Somalia gaar ahaan koontaroolka Ciidanka illaaliya Madaxtooyadda Villa Somaliya ee ku dhaw maqaayadda Blue Sky.
Nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa maqaayadaas isku qarxiyay sida goobjoogayaal inoo sheegeen.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 2-ruux oo shacab ahaa sidoo kale waxaa jira dhaawacyo.

