Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerar Al-shabaab ay saakay ku qaadeen Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la iska difaacay weerar ay soo qaadeen Al-shabaab,laguna jabiyay.
“Ciidanka Xoogga dalka oo kafeejigan weerar kaga yimaadda dhanka Al-shabaab ayaa iska caabiyay weerar Al-Shabaab ay isku dayeen ineey kusoo qaadan magaalada balcad ee gobolka shabeelada dhexe. Ciidanka ayaa halkaas qasaare xoogan kugaarsiiyay Shabaakii weerarka sooqaaday, Al-Shabaab balcad ayay kala laabteen iyagoo wata meydad bada,14 askari ayay Ciidanka xoogga dalka kudileen magaalada balcad kuwaasi oo ay kujiraan saraakiil islamarkaasna uu kamid yahay sarkaalkii howlgalada shabeelada dhexe uqaabilsanaa”, ayaa lagu yiri warka.

