Al-shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Al-shabaab ay saakay aroortii ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid toos ahaa ayay Shabaab ku qaadeen degmadda waxayna degmadda ka weerareen dhowr jiho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay Degmaddda.

Dagaal saacado socday kadib Al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan gacanta ku heynta xarunta maamulka degmada Balcad,saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada.

Degmada Balcad ayaa 30Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah waxayna lawareegisteedu muujinaysaa sida Al Shabaab ay ugu xooggantahay deeganadda Maamulka Hir-shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here