Ciidamada midowga Africa Amisom ee Somalia ayaa war kasoo saaray qarax dhawaan lala beegsaday kolonyo ay lasocdeen ciidamada midowga Africa Amisom kolonyadaasi oo marayay qeybo kamid ah degmada Hiliwaa ee gobalka Benadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay howgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Amisom kolonyadaasi oo kasoo baxay xerada maslax kuwaasi oo kusoo jeeday magaalada muqdisho.
Amisom ayaa sheegtay in qaraxa uu waxyeello ugeeystay qeyb ahaan gaariga islamarkaana waxaa qaraxa kugeeriyooday qof shacab ah kaasi oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu kadhacay waxaana Amisom ay si kulul ucambaareeyeen qaraxa iyagoona tilmaamay in ay xanuunka iyo murugada ay ladareemayaan qoysaskii ay kabaxeen dadkii geeriyooday.

