Maamulka jubaland ayaa sheegay in ciidamada daradaawiishta jubaland iyo ciidamada xooga dalka ee ay fashilyeen weeraro dagaalamasha al-shabaab ay sheegeen in ay damacsanaayenin ay ka fuliyaan deegaanka janaay cabdaale ee gobolka jubbada hoose.
Qoralka kooban oo kasoo baxay maamulka jubaland ayaa waxa ay ku sheegeen in Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland iyo ururka Danab ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan jiidda hore ee Jannaay Cabdalle ay fashiliyeen isku day weerar oo ay dagaalamasha Al Shabaab la damacsanaayeen saldhigga ciidanka Janaay Cabdalle.
Waxaana maamulka jubbaland ay intaasi raaciyeen in ay faahfaahino dheeriya ka bixin doonan weeradaaasi ay sheegeen in ay fashiliyen.
Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland oo dhinac ah ayaa maamalmihii ugu dambeyay deegaanka janaay cabdalle kula dagaalamay xubno ka tirsan dagaalamasha al shabaab.
Maamulka jubbaland iyo dagaalamayaasha al shaabab ayaana guul kala sheegtay dagaalkaasi,waxaana maamulka jubbaland ay sheegeen in ciidamada dowlada iyo kuwa jubbaland ay wadan howlgalo balaaran oo ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanka cabdalle ee gobolka jubbada hoose.

