Dowlada faderalka Somalia ayaa ciidamo kala dhax dhigtay beelo shalay ku dagaalamay deegaanka xanaanbuure ee gobolka galgaduud.
Dagaalka labada maleeshiya beeleed shalay ku dhexmaray deegaanka xananbuure ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare kala duwan oo dhaawacyo ah
Ciidamada xooga dalka qeybta 21”aad ayaa waxa lagu soo waramaya in la saaray masuuliyada in ay ilaaliyaan sugida amaanka iyo kala dhaxgalida dagaalka Laba maleeshiya beeleed inta laga dhameystirayo in xalwaara laga gaaro dagaalkaasi
Wararka aanu ka helayno deegaanka xananbuure ayaana sheegay in beeluhu ay isla garteen dib uheshisiin la sameeyo iyo in ay wada fariistan oo ay ka wada hadlaan colaada ka taagan deegaanka
Masuuliyiin ka tirsan Saraakiil milatariga Soomaaliya ayaa iyagu la sheegay in ay gaaray deegaanka xananbuure si ay marqaati uga noqdaan tilaabada koowaad ee lagu kala qaaday labada maleeshiyabeeleed ee ku dagaalamay deegaanka xanan buure.
Dagaalka beelaha walaalaha ah ee wada daga gobolka galgaduud gaar ahaana deeganka xananbuure ayaa inta badan soo laalaabta ,Waxayna beeluhu ay isku qabsadaan dhuldaaqsimeedka iyo ceelal biyoodyada

