Shabaab oo Weerar Ku Bilowday Qaraxyo La Beegsaday Ciidamadda Mareykan iyo Kuwa Dowladda

0

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxay dagaal xoogan oo dagaalamayaasha al shabaab la sheegay in maanta ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubbaland ku leeyihiin deegaanka janaay cabdalle ee gobolka jubba hoose.

Dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu ku biloowday qaraxyo islamarkaasna uu xigay dagal toos ah oo dhexmaray xubno ka tirsan dagaalamasha al shabaab iyo ciidamadii ku sugna saldhigaasi ku yaala deegaanka janaay cabdalle.

Wali Si dhaba ah looma xaqiijin qasaaraha ka dhshay dagaalka maanta balse dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Dhankale dagaalamayaasha  al shabaab  ayaa sheegay in dagaalkan  ay u adeegsadeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay islamrkaasna ay la beegsadeen ciidamo ajaaniib ah oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalo deegaaanka janaa cabdale.

Al shabaab ma xaqiijin qasaaraha weerarkaan balse waxa ay sheegeen in ay ku weerareen ciidamo mareeykan ah.

Maamulka jubbaland ayaa iyaguna sheegay in ay fashiliyeen weerar ay ku soo qaadeen dagaalamayaasha al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here