spot_img

Weerar Khasaare Geystay Oo Dhacay Duleedka M/Kismaayo

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu  saacadiihii lasoo dhaafay ka Deegaan duleedka ka ah Magaalada Kismaayo

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay in xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin  deegaanka Baarka ee dhaca Duleedka Magaalada Kismaayo  ee Gobolka Jubbada Hoose

Waxaana halkaasi la sheegay in uu ka dhacay iska hor,imaad xoogan oo in muddo ah qaatay kaas oo dhemaray Xubno ka tirsan alshabaab iyo Ciidamada Jubbaland

Dagaalka oo laisku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa ka dhashay qasaaro nafeed

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Weerarkaan ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dileen Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland

Warkaan oo alshabaab ay ku baahiyeen dhinaca intermeetka waxa ay ku sheegeen in Sidookale uu jiro qasaaro dhaawacyo ah oo ay Weerarka ku gaarsiiyeen Ciidanka Jubbaland

Dhankooda laamaha amniga Jubbaland wali kama aysan hadlin hadlin dagaalka ka dhacay Duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Oo Ah Xarunta kumeel gaar ka ah  ee hada uu ku shaqeeyo Maamulka Jubbaland

 

Related Post

Wararka