spot_img

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo War Kasoo Saaray Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Naasa-hablood

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Safaraadda Mareykanka ee Soomaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ay geysteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in uu ahaa mid aad loogu xumaado islamarkaana ay tacsi u dirayaan ehelada dadka ku waayay Weerarkaas.

Dhanka kale  Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa-hablood kaasi oo ay sheegteen Al-shabaab.

Micheal Keating ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliya iyo dowladda Soomaliya in  ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab inkastoo aysan soo bandhigin tirada rasmiga ah ee weerarkaas ay ku dileen.

Related Post

Wararka