saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa lagu soo waramayaan in diyaarado dagaal ay duqeymo ay ka fuliyeed deegaano ka tirsan degmada xudur ee gobolka bakool
duqeymahani ayaa waxa la sheegay in ay fuliyeed diyaaradaha dagaalka oo ay leedahay dowladda mareeykanka
sigaar ah duqeytu waxa lagu soo waramayaa in ay kaga dhacday deegaanka ma,moodow oo hootaga degmada xudur qiyaastiina jira 40 km
waxaana wararku ay sheegayaan in duqeymahani lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab oo ku yaal deegaano hoosta degmada xudur ee xarunta gobolka bakool
saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in duqeymahani ay ku dheceen sidii loogu talagalay islamrkaasna ay ku dileen saraakiil iyo xubno ka tirsan al-shabaab
saraakiisha ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in duqeynta ujeedkiidu uu ahaa sidii ay u wiiqi lahayeen awooda dagaalamayaasha al-shabaab islamarkaaasna ay doonayaan in al-shabaab ay kaga saaraan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka bakool
sidookale lama sheegin magacyada xubnaha ka tirsan al-shabaab ee lagu dilay duqeyntani ka dhacday deegano ka tirsan degmada xudur balse waxa la sheegay oo kaliya in qiimeyntii la sameeyay lagu ogaaday in qsaaro lagu gaarsiiyay in xubno ka tirsan al-shabaab oo ay saraakiili ku jireen
degamada xudur ayaa waxa mudo sideed sano ah go,odoomiyay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab iyadoona mamulka koonfur galbeed soomaaliya iyo dowladda dhexe ay sheegeen in hada ay wadaan howlgalo iyo qorshayaal ay ku doonayaan ingo,adoonkaaso ay kaga saaraan degmada
diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ee ciidamada mareeykanka ayaa inta badan duqeymo la beegsada xarumaha ay ku suganyihiin dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana dhowr jeer oo hore ay guulo kaga sheegteen duqeymo ay ka fuliyeendeegaano iyo degmooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha soomaaliya
sidookale waxa xusid mudan in sanadiihii ugu dambeyay ay dowladda mareykanku kordhisay duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha soomaaliya kuwaas oo ay sheegeen in ay la beegsanayaan xubno ka tirsan al-shabaab

