spot_img

DEGDEG:qof shacab ah oo lagu dilay sake galgaduud

Maleeshiyaad  hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in sake ay qof Shacab ahaa ku dileen degaan udhaxeeya magaaloyinka caabudwaaq iyo xeraale oo kawada tirsan gobolka galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya iyaga oo goobta ka baxsaday kooxdii dilkaasi ka danbeyay

Wali xog dheraad ah lagama helin Qofka la dilay hasa ahaatee kooxda ayaa la shegayaa in dhowr xabadood ku dhufteen qof ay sake dileen , sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Dad ku sugan Aaga uu dilla ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Ninka Shacabka ah uu yahay mid lala xiriirinayo aanooyin qabiil, isla markaana uu daba socdo dilal horay uga dhacay degaano hoostaga degmada xeraale  ee Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kalana Maalmo ka hor ayey ahayd markii Nabadoon lagu magacaabo cabdi daahir daa,uud  lagu lagu dilay deegaanka Laanqaylo oo xeraale hoostagta

labadii sano ee la soo dhaafay ayaa degaannada Galmudug waxaa kusoo kordhay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iyo dagaalo toos ah oo dbexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

 

 

Related Post

Wararka