Author Archives: Radio Simba

Farmaajo oo Qaabilay Madaxweyneyaasha Hirshabeelle & koonfur-galbeed+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda u Fasaxday Lacagihii ka Xayirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul goboleedyadda iyo gobolka banaadir u fasaxday Lacagihii Deeqaha ee laga helay midowga Yurub. Lacagta la fasaxay ayaa gaaraya lix milyan, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaaale Beyle. Wasiirka ayaa sheegay in lacagaha la fasaxay ay yihiin Qoondada Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo ...

Read More »

War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Khasaare geystay oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho. Qaraxa oo gaari ku xirnaa ayaa ka dhacay Xaafadda Salaam degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay wiil dhalinyaro ahaa, labo kalana way ku dhaawacmeen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka dhintay uu dhalay xildhibaan hore, Cabduqaadir Maxamed Mursal ...

Read More »

Wasiir Bayle:-“Soomaaliya Waxay Rajaynaysaa in 2020-ka Laga Cafiyo daymaha”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wasiir Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga aduunka oo ay ...

Read More »

DFS oo Soo Dhawaysay Kacdoonka Shacbiga Bakool ee Ka Dhanka ah Shabaab

War- Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka  Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoonka shacabka Gobolka Bakool ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab. .”Kacdoonka  shacabka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka Al-Shabaab,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab oo duulaanka ...

Read More »

Xasan Nuur:-“Farmaajo 7-Waxyaabood ayaan Ku Leenahay”,+Dhageyso

Nabadoon Xasan Nuur oo kamid ah odayaasha magaaladda Cadaado ayaa sheegay in Dowladdda Dhexe ee Soomaaliya ay doonayso xiligaan in si awood sheegasho ah ay ku dhisto Maamulka Galmudug. Waxa uu sheegay in odayaasha magaaladda cadaado looga baxay heshiisyo lala galay taasina ay keentay in ay ka baaqsadaan Shirkii Magaaladda Dhuusa-mareeb. Dhanka kale Nabadoon Xasan Nuur oo kamid ah odayaasha ...

Read More »

Dibadbaxyadii Ugu Horreeyay oo Looga Soo horjeedo Madaxwayne Sisi oo Dhacay

Booliiska dalka Masar ayaa waxay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira. Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014. Boqollaal reer Masar ah ayaa soo buux dhaafiyay fagaaraha Taxriir ee Qaahira- oo ahayd goobtii uu ka bilaabmay kacdoonkii ...

Read More »

Madaxda Puntland iyo Guddiga Sharciga Doorashooyinka oo Garoowe Ku kulmay

Guddiga Ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka u qaabilsan soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa xalay la Kulmay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Ujeedka kulankan ayaa ahaa in guddigu ay madaxda dowladda Puntland la wadaagaan sharciga Doorashooyinka Qaranka ee ay gacanta ku hayaan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi ...

Read More »